Muqdisho, (insidesomalia.org)- Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Xukuumadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Muuse Nuur Amiin ayaa wuxuu ka soo horjeestay Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Wasiirka wuxuu sheegay in wareegtadaas looga been abuurtay, isla markaana lagu sheegay in Degmooyin loo magacaabay Gobollada Galgaduud iyo Mudug, wuxuuna sheegay in aysan jirin soo jeedin uu Madaxweynaha u gudbiyay.
“Warqaddaas ma ahan mid aan wax ka ogahay, kama bixin Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaanse u maleynayaa in warqaddaas ay Madaxweynaha u geeyeen dad wax marin habaabinayay”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muuse Nuur Amiin.
Hadalkaas culus ee uu sii daayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Muuse Nuur Amiin ayaa waxaa ka soo horjeestay Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere oo sheegay in uu aad uga xun yahay in Wasiirka Arrimaha Gudaha uu Idaacadaha ka hadlo, isla markaana uu sheego in uu ka soo horjeedo Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Gacma-dheere ayaa waxaa uu sheegay in magacaabista Degmooyinkaas ay waqti dheer geedi socod ku soo jireen, wuxuuna caddeeyay in kaliya ay ka harsaneyd in uu Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ku dhawaaqo.
Wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha ee uu Degmooyinka ugu magacaabay Gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa loo cuskaday warqad soo jeedin ah oo ka timid Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ku taariikheysneyd 19/09/2007, xiligaas oo uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ahaa Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere.